Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska Marxuum Caasho Ilyaas oo markii ay cadaalad waayeen ka baxay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Fariimo nagu beeray murugo iyo calool xumo ayaa Caawa naga soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, Warbixintaas oo ah in ay Soomaaliya ka baxeen Qoyska Caasho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 sano jir ah oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo.

Qoysaskii dariska la ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoyska Caasho markii ay ka quusteen helitaanka Cadaalad sidoo kalane loo hanjabay ay ka baxeen Soomaaliya waxayna galabta faarujiyeen Gurigii ay daganaayeen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Qoyska Caasho ay u safreen dalka Itoobiya, halkaas oo ku sii nagaan doonaan ilaa bilooyin sida ay u sheegeen dad daris la ah.

Gaari nuuca Xamuulka qaada ayaa galabta ka raray dhamaan xubnihii qoyska iyo wixii agab ah oo ay heesteen waxayna ka gudbeen Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Arintaan ayaa murugo ku abuurtay dadka reer Gaalkacyo.

Dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Caasimada Online u sheegay in qoyskaan ay ka niyad jabeen markii Madaxweyne Deni uu sii daayay dalkana ka dhoofiyay laba nin oo kufsiga ku eedeesnaa laba kalane xabsiga lagu sii haayay.

Sidoo kale qoyskaan ayaa waxaa soo wajahay Cabsi kadib markii dhowr jeer loo hanjabay. Lama oga cidda u hanjabtay sidoo kalane ma jirto cid ka caawisay baaritaanka arintaan.

Waxay Soomaaliya uga baxeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen nafta dhallaanka kale ee u harsan iyo sidii ay ilaabi lahaayeen Uur ku taalada xanuunka badan oo ay dhibkii loo geestay Gabadhooda Caasho Ilyaas.

WhatsApp-Image-2019-04-23-at-4.15.01-PM. WhatsApp-Image-2019-04-23-at-4.15.01-PM-

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this