Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku saabsan kulanka xildhibaanada BF beri ku yeelanayaan Golaha shacabka ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta golaha shacabka oo xildhibaanada ay ku shiraan.

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamada maalmihii ugu dambeeyay xildhibanada ku yeelanayeen golaha shacabka.

Kulanka maalinta beri ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada waxay warbixin kaga dhageysanayaan guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka, sida guddoonka baarlamaanka uu sheegay.

“Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah warbixin ka dhageysanaya guddiga madaxa banaan ee xuduudaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka.

Kulamada baarlamaanka ee Kalfadhiga Shanaad ayaa buuq badan dhaliyay, walow markii dambe la xaliyay khilaafka ka dhex yimid xildhibaanada baarlamaanka.

Kulamadii ugu dambeeyay ayaa lagula xisaabtamay islamarkaana warbixino looga dhageystay guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this