Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni iyo madaxweyne Xaaf oo wali kulamo ka wada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali madaxda dowlad goboleedyada kulamo kala duwan ay ka wadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah.

Ambassador Dr. Mohammed Khayat Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaaran.

Dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayuu madaxweyne Deni sheegay in kulankaan muhiimad gaar ahaaneed uu u lahaa, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaaray dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee laga wada hadlay.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo weli booqasho ku jooga Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa Maanta uu halkaasi kula kulmay safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaliya.

Madaxweyne Xaaf iyo  Safiirka dawladda Sweden, ambassador. Andreas von Vexkull,ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya sigaar ah tan degaanada Galmudug oo xilligaan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyey dawladda Sweden hawsha adag ay ka wadaan Somalia gaar ahaanna kuwa ay ka wadaan Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato.

Horay ayaa Madaxweynaha Galmudug waxa uu ula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz, isaga oo u sharaxay in Dowlada dhexe ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug caalamka ugu talagalay.

58701280_640795293000661_710267449785712 58729767_682503392165742_408099001097361
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this