Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Kulan ku saabsan sidii gabdhaha xarumaha degmooyinka ka shaqeeya jawi nasasho u heli lahaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay, kulan ku saabsan, sidii gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay goobahooda shaqada uga heli lahaayeen meelo ay ku nastaan.

kulanka ayaa loo qabtay mas’uuliyiinta degmooyinka; Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso iyo xubno ka kala socday degmooyinkaasi afarta oo wasaaraddu ka samaysay xog uruurin ku aaddan baahida ay gabdhaha degmooyinka ka shaqeeya u qabaan helista jawi ay ku nastaan.

Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ugu horrayn kulanka faahfaahiyay, ayaa sheegay in kulanka ku saabsanyahay, ansixinta xogta ay soo uruurisay wasaaaradda ee ku aaddan in gabdhaha degmooyinka ka shaqeeyaa helaan jawi ay ku shaqeyn karaan iyo meelo ay kaga nastaan shaqada.

Duqa ayaa sidoo kale sheegay in gabdhaha ka shaqeeya degmadiisa, ay haystaan jawi shaqadooda ku habboon, ayna ka caawiyaan culaysyada ay shaqada kala kulmaan, islamarkaana fasaxyo siiyaan, isagoo ku baaqay in degmooyinka oo dhan sidaasi laga sameeyo.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, Sahra Axmed Xirsi, ayaa dhankeeda kulanka ka sheegtay in macluumaad iyo xog-uruurin wasaaraddu ka samaysay degmooyinka lagu ogaaday, in gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay u baahan yihiin jawi shaqadooda ku habboon iyo in ay helaan gooba ay ku nastaan.

Kulanka oo socon doona mudda laba maalmood ah, ayaa looga doodi doona macluumaadka  la xiriira baahida gabdhuhu u qabaan jawi ku wanaagsan shaqadooda, macluumaadkaasi oo laga soo uruuriyay degmooyin, iyadoo ugu dambeyntii xog-uruurinta la ansixin doono.

halkaan ka eeg sawirada

10-3.jpg?resize=1000%2C538&ssl=1 3-6.jpg?w=1000&ssl=1 4-6.jpg?fit=1000%2C510&ssl=1 5-2.jpg?w=1000&ssl=1 6-3.jpg?w=1000&ssl=1 7-3.jpg?w=1000&ssl=1 8-2.jpg?w=1000&ssl=1 9-2.jpg?w=1000&ssl=1 10-4.jpg?fit=1000%2C538&ssl=1 11-2.jpg?w=1000&ssl=1 12-2.jpg?fit=1000%2C521&ssl=1 13-2.jpg?w=1000&ssl=1 14-1.jpg?w=1000&ssl=1 15-2.jpg?fit=1000%2C521&ssl=1 19-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Kulan ku saabsan sidii gabdhaha xarumaha degmooyinka ka shaqeeya jawi nasasho u heli lahaayeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this