Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo wada-hadal loo furayo (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan codsaday in laga shaqeeyo sidii loo wada hadalsiin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Argagixisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa baaqaas ka jeediyey kulankii ay dhawaan yeesheen culimada Soomaaliyeed halkaas oo uu Farmaajo culimada uga codsaday inay ka shaqeeyaan sidii ay u wada hadalsiin lahaayeen AL-Shabaab iyo Dowladda Dhexe.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin, qabyaaladda iyo musuq maasuqa.

Baaqii Madaxweyne Farmaajo ayaa durba waxaa ka jawaabay Culimada Soomaaliyeed, waxayna sheegeyn inay arrintaas diyaar u yihiin.

Sheekh Xasan Jaamici oo kamida Culimada kulanka uga soconaya Magaalada Mogadisho ayaa sheegay in diyaar u yihiin wadahadalsiinta Al-ShabAab iyo dowladda, ayna fududahay arintaasi.

Shiikh ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay u fasaxdo inay tagaan deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan si ay dhinacaas ula kulmaan isla markaasna ay ka dhaadhacsiiyaan inay la hadlaan Dowladda Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey dhawr jeer ugu celcelisay inaysan marnaba wadahadal la geli doonin Dowladda Soomaaliya inta ay Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.

Lama yaqaan sid ay ku suurtageli karto wadahadal dhexmaro Dowladda Dhexe iyo Al-Shabaab iyadoo la ogyahay meesha ay la Al-Shabaab ka joogaan inay wadahadal la furaan Dowlada Soomaaliya oo ay ku arkaan in madaxdeeda ay ka baxeyn Diinta Islaamka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Shiikha

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Dhageyso-Dowladda-Somalia-iyo-Al-Shabaab-oo-la-wadahadal-siinayo-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this