Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Canter Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Siyaasi Duur Iyo Waabeeye & Soo Dhaweynta Madaxweyne Biixi Oo Uu Saf U Galay .

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Canter Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Siyaasi Duur Iyo Waabeeye & Soo Dhaweynta Madaxweyne Biixi Oo Uu Saf U Galay .

cantar-300x200.jpeg

Guddoomiyaha gudida anshax marinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cali Axmed Canter oo hore siyaasiyiin Xisbigaasi ka tirsan ugu eedayn jiray ka qayb-galka munaasabadaha ay madaxtooyaddu agaasinto ayaa isagu doraad saf u galay soo dhaweyntii Madaxweyne Biixi loogu sameeyey madaarkar Hargeysa ka dib markii uu kasoo laabtay Madaxweynuhu socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,waxaanu hadda u muuqdaa siyaasi Cali Canter mid cagta saaray jidkii uu hore ugu canaan jiray saxiibadiisa Xisbiga WADDANI qaarkood , kaasi oo ugu hanjabi jiray in Xisbiga laga saari doono oo lagu samayn doono anshax marin, waxaana la is weydiinayaa waxa iska badelay mawqifkliisii hore

Siyaasi Cali Canter ayaa si kadis ah uga soo dhex muuqday masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo madaarka Hargeysa safaf u galay salaanta Madaxweyne Biixi iyo soo dhaweyntiisa.

Dhanka kalene Siyaasi Cali Axmed Canter ayaa bishii Maraj ee aynu kasoo gudubnay siyaasi Duur ku eedeeyey in aanu xisbigooda haba yaraatee ku matalin ka qayb galka munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu dhagax dhigayey dhismaha jidka isku xidha Wajaale iyo Berbera,waxaanu Cali canter sheegay inuu Xisbigooda dhawaan war qoraal ah ka soo saari doono inaanu Siyaasigaasi ka mid ahayn Xisbiga Waddani, isagoo ku haystay munaasabadaa uu ka qayb-galay ee ay Xukuumaddu agaasintay

Isagoo arrimahaasi ka hadlaya Cali Canter ayaa sheegay sidan:“ Xisbiga WADDANI haddii aanu nahayna annaga naguma matelo isaga ayaan danihiisa u tegay oo hawlihiisa u tegay , waana nin siyaasi ah oo madax-banaan cidduu doono wuu u tegi karaa, lakiin kuma mateli karro Xisbiga WADDANI , waayo Xisbiga WADDANI Xukuumadda arrimo badan ayaanu isku haynaa ilaa aanu arrimahaa ka heshiino fadhiyaddii ugu dambeeyey waanu ku kala kacnay ilaa aanu ku heshiino waxaanu ugu tegaynaa ma jirto .”

 

Waxaanu intaasi ku sii daray “Qoraal rasmi ah ayaanu u soo saari doonaa war-baahinta in aanu ku jirin duur carraale Xisbiga aanu metelina , Duur Caraale isaga ayaa iskii ugu tegay Xisbiga oo jeclaaday mar haddi aanu ka hadhnay doorashadii wuxuu jeclaaday Dowlada joogta inuu la shaqaysto .”

 

Geesta kalene Siyaasi Cali Canter ayaa sidoo kale munaasabad ay ka qayb-galeen Xildhibaan Waabeeyo iyo siyaasi duur sanadkii ina dhaafay, taasi oo ahayd mid ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi agaasintay ku eedeeyey labadaa siyaasi inay ka baxeen xayndaabka Xisbiga , isla markaana la anshax marin doono,, basle hadda ayaa isagii u muuqdaa Cali Canter mid qaaday dhabihii uu hore ugu canaanan jirey Siyaasiyiintaasi kale.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this