Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Puntland oo tababar looga furay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaa maanta laga daah-furay, tababar kor loogu qaadayo aqoonta  dhinaca Technology-ga. ee shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Puntland.

Tababarkan oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Isgaarsiinta Boostada iyo Technology-ga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa fulinaysa shirkadda Horumarinta dadka iyo shaqaalaha ee Agaasin, waxaana ka faa’idaysanaya 20 qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Puntland.

Tababarkan oo socon doona mudda 30 cisha, ayaa shaqaalaha lagu barayaa kaydinta xogta, cillad-bixinta Computers-ka, guud ahaan farsamada la xiriirta Technology-ga iyo xirfadaha kale ee aysan shaqaaluhu ka maarmin.

Wasiirka warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa daah-furay tababarkan oo ay goob-joog ahaayeen, madax ka socotay World Bank, agaasimaha wakaaladda Horumarinta iyo Technology-giyadda Puntland, maamulka sare ee shirkadda Agaasin oo fulinaysa tababarkan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay si wanaagsan uga faa’idaystan fursaddan tababar ee lagu tayeynayo farsamooyinka iyo xirfadahooda shaqo, isago u mahadceliyay dhammaan dhinacyada iska kaashaday tababarkan.

Tababar sare, Cabdirashiid Ciise Cusmaan oo ku hadlay afka shirkadda Agaasin ee tababarkan bixinaysa, ayaa sheegay in ay shaqaalaha ku tababari doonaan mowduucyo muhiima oo ay kamid yihiin; kaydinta iyo maamulidda xogta iyo sidoo kale farsamooyinka casriga ee dhanka Technology-ga.

Madaxa shirkadda Agaasin, Maxamuud Cabdi Xaaji Cumar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in shirkaddiisu ka shaqeyso Horumarinta xirfadda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan, hagaajinta xafiisyada, samaynta cilmi-baarista iyo qabashada tababarada lagu horumarinayo dadka.

Sidoo kale wuxuu xusay in tababarkan ay fulinayaan ujeedkiisu yahay sidii shaqaaluhu xafiisyada ugu shaqeyn lahaayeen habka ugu horumarsan ee wax soo saarka fiican.

Dhammaan mas’uuliyiintii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay sida nidaamsan ee loo agaasimay tababarkan, waxaana ay shaqaalaha ku boorriyeen in ay ka faa’idaystaan aqoonta uu xambaarsanyahay.

Halkan ka eeg sawirada

18-2.jpg?w=1000&ssl=1 1-6.jpg?w=1000&ssl=1 2-5.jpg?w=1000&ssl=1 3-5.jpg?w=1000&ssl=1 5-1.jpg?w=1000&ssl=1 4-5.jpg?w=1000&ssl=1 6-2.jpg?w=1000&ssl=1 7-2.jpg?w=1000&ssl=1 10-2.jpg?w=1000&ssl=1 11-1.jpg?w=1000&ssl=1 12-1.jpg?w=1000&ssl=1 14.jpg?w=1000&ssl=1 15-1.jpg?w=1000&ssl=1 17-1.jpg?w=1000&ssl=1 16-1.jpg?w=1000&ssl=1 18-3.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shaqaale ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Puntland oo tababar looga furay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this