Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimadda Online) – Taliska Hay’adada nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee NISA ayaa  Goordhow waxa uu sheegay in labada Sarkaal oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ay isku dhiibeen maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa sheegtay in mid kamid ah Saraakiishii ka tirsanaa Al-shabaab ee iska dhiibay Baardheere lagu magacaabo Aadan coobe oo loo yaqaano Maxamed Qani,iyagoona ahaa kuwo aad looga yaqaano deegaanada Jubbaland.

“Labo Sargaal oo ka tirsanaa Ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, midka ka mid ayaa lagu sheegay magaciisa Adan Coobe oo oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska NISA ee Jubbaland.

Ciidanka maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen in isasoo dhiibidda raggaan ay timid ka dib markii la xoojiyay howlgallada ka socda degmada Baardheere iyo degaanada hoos yimaada.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay iska dhiibaan deegaanada Jubbaland,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in Saraakiil ka tirsanaa iga ay isku dhiibeen maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this