Deeq A. Posted April 23, 2019 Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Biriq xoogan ay dad ku dishay qeybo ka mid ah gobolka Baay, kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay Roobabab mahiigaan ah ka da’een gobolkaasi. Biriqda oo ku dhacday deegaanka Kanaanax ayaa la sheegay in ugu yaraan hal Qof ay ku dishay deegaankaasi, kuna dhaawacday saddex kale. Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday isbitalka guud ee magaalada Baydhabo, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad. Inta badan waxaa gobollada dalka ka curtay xilli Roobaadka go’a, kaas oo ay ku diirsadeen dad iyo duunyo intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites