Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dhac ka geystay gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Rag hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhac baasan ay u geysteen gawaari Xumuul ah oo marayay inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Raggan oo ku hubeysnaa Qoryaha fudud ayaa la sheegay in ay dhabaha u galeen gaadiidkaasi, islamarkaana rakaabkii saarnaa ay ka qaateen wixii ay siteen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan dhacaasi.

Inta badan waxaa waddooyinka isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto dadka rayidka ah ee isaga kala goosha gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this