Deeq A. Posted April 23, 2019 Qaahira (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaal ka socda Africa oo saacadaha soo aadan shir deg deg ah uga furmaya magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Shirkan oo uu martigelinaya Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Siisi ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda dalka Sudan, kadib afgembigii Cumar Xasan Al-Bashiir iyo dagaallada ka socda wadanka Libya. Al-Siisi oo xilligan ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa isugu yeeray shirka Qaahira ee looga hadlayo arrimaha Sudan iyo Libya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu kulamo gaar-gaar ah kula qaadan doono Qaahira mas’uuliyiin kala duwan, si uu ugu cadeeyo mowqifka dowladda ee taageerida shacabka Sudan. Shirkan ayaa la filayaa in Madaxweynuhu uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrimaha ka taagan Sudan iyo Libya, oo ah labo dal oo Soomaaliya kala dhaxeeya xiriiro taariikhi ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites