Deeq A. Posted April 23, 2019 Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta sarkaal ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Xasan Mire Jaceyl, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Dilka ayaa ka dhacay xarunta taliska Ciidanka ee loo yaqaano (PMPF), waxaana la sheegay in uu geystay Askari kale oo ka tiran Ciidamada Puntland, kadib markii uu muran soo kala dhe xgalay isaga iyo Marxuumka. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga ayaa xusay in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana si deg deg ah cadaalada loo horkeeni doono. Dhinaca kale maxkamadda Boosaaso, ayaa maanta xukun ku riday mas’uul ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland, ka gadaal markii lagu helay kiis musuq-maasuq ah. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cawaale Maxamuud Sheekh ayey maxkamaddu sheegtay in lagu helay Xatooyo Xoolo dadwayne oo dhan 2751 Doolar. Abuukar C/nuur Jaamac guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay go’aanka, waxaana uu shaaciyay in sarkaalkaasi lagu xukumay afar sano oo Xabsi ah, shan boqol oo Doolar oo ganaax ah iyo sidoo kale in uu bixiyo dhammaan lacagtii uu lunsaday. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Puntland maxkamadeyso mas’uul ka tirsanaa maamulkaasi oo lagu soo oogay arrimo ka dhan ah Musuq-maasuq. View the full article Share this post Link to post Share on other sites