Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo mar kale eedeysay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda dalkaasi ay mas’uul ka tahay kumanaan Soomaali ah oo lagu dilay dalka Soomaaliya.

Gabadhan oo Koongareeska ku matesha gobolka Minnesota ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in howlgalkii Marykanka ee “Black Hawk Down” uu galaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah.

Howlalka “Black Hawk Down” oo ka dhacay 1993 ayaa waxaa Mareykanka looga dilay in ka badan 10 askari iyadoo looga dhaawacay 73 kale.

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay weerar argagixiso midkii ugu xumaa taariikhda, isamarkaana wali ay Ciidamadiisa ay sii wadaan dilalka dadka shacabka ah ee lagu leynayo duqeymaha cirka.

Hadalkan Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa dad badan oo Mareykanka u dhashay cambaareeyay iyagoo tilmaamay in tirada dadka ku dhintay howlgalkii “Black Hawk Down” ay ka yar tahay mida ay sheegtay.

Ilhaan Cumar ayaa xilligan Khilaaf xoogan kala dhaxeeya Madaxweyne Trump, kadib markii ay dhawaan qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku weerartay dadka taageera Yahuudda ee ka tirsan dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this