Deeq A. Posted April 23, 2019 Qoryooley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada milatariga ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkani oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Xoghayaha maamulka degmada Qoryooley oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, waxaana uu sheegay in ay ku dileen labo ka tirsanaa Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona meelihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites