Deeq A. Posted April 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda amniga XFS ayaa xalay soo bandhigtay hub fara badan oo ay sheegtay in loo waday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Hubka ayey sheegtay wasaaraddu in uu ka mid ahaa Bambo gacmeedyo, la doonayay in loo gudbiyay Xildhibaankaasi. “Dooddiisu waxay u dhigan tahay bad-qabkayga ayaan ku dhowrayaa, Bambo gacmeed iyo walxa-qarxa nabad galyo ma dhowraan ee iyagaa LID ku ah, waxaana loogu talo galay dagaal galid iyo gumaadka goobo la gali waayay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga. Warkani laguma shaacin magaca Mudanahaasi, marka laga reebo in uu ka tirsan yahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ayaa xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites