Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeyb-galaya Shir Madaxeed Gaar Ah Oo Lagaga Hadlayo Arrimaha Dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa xalay gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo uu maanta uga qeyb galayo shir madaxeed gaar ah oo lagaga hadlayo arrimaha Sudan.

farma-masar1-630x420.jpg

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa waxaa uu shirka ku casuumay dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, Chad, Rwanda iyo Koofur Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shir madaxeed kooban uu Madaxweynuhu ka qeyb galayo, waxaa uu xusay in shirkaan isugu imaanayaan dalalka deriska la ah dalka Sudan.

“Masar ayaa shirka marti gelineysa, sida ogtahay Masar waa dal deris la ah Sudan, Madaxweynaheeda waa Guddoomiyaha Midowga Afrika, shirka waxaa looga hadlayaa xaalada Sudan”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda IGAD.

11-kii bishan ayaa dalka Sudan waxaa ka dhacay afgambi millateri oo xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas xukumayay muddo 30 sanno ah, waxaana dibad baxyo bilihii la soo dhaafay oo ka dhacay dalkaas uu soo afjaray xukunkii dheeraa ee Madaxweyne Al-Bashiir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this