Deeq A. Posted April 23, 2019 (SLT-Tehran)-Mareykanka ayaa shalay soo gaba gabeysay ogolaashihi uu dalalka qaar u ogolaaday inay saliidda ka sii iibsan karaan dowladda Iran, taasoo hadda culeys dhaqaale oo xoog leh ku keeni doonto xukumadda Tehran. Aqalka Cad ayaa Isniinti shalay ku dhawaaqay, in madaxweyne Donald Trump uu go’aansaday in uu dhameeyo cafiski uu Mareykanka ka cafiyay dalalka Japan, Kuuriyada Koofureed, Turkiga, Shiinaha iyo Hindia inay Iran ka iibsan karaan saliidda xilli ay saarantahay cunaqabteynta dhaqaale ee uu maamulka Trump dul dhigay Iran. Waxaa horay u joojiyay iibsiga saliida iyo shidaalka Iran, dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga, Gariiga iyo Taiwan, iyaga oo raaca dalamka Mareykanka ee ah in la fuliyo cunaqabateynta Iran. Mareykanka wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ay ogolaadeen in ay kordhiyaan wax soo saarkooda saliidda, si loo haqab-tiro dalabka saliidda ee caalamka, halka saliidda Iranna laga tiri doono suuqayada saliidda ee caalamka. Source Share this post Link to post Share on other sites