Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi: Sida Imaaraadka innaga iyo Puntland midba dhinac canshuurta haka qaado

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi.jpg?w=1000&ssl=1Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi 22 April 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay  magaalada Hargeysa Qado ugu sameeyay cuqaal iyo salaadiin ka tegay bariga gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay ciidamada Somaliland ee qabsaday degmada Yubbe iyo muranka dhuleed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida maanta joogta ay aad u qiima rideen dagaallo sokeeye iyo colaad xiriir ah oo ay sal u tahay talo-xumo siyaasadeed islamarkaana weli ay ku sii socdaan wadadii lagu burburay.

Balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga soo kabto colaadaha iyo dagaalka joogtada ah ee Soomaalida ragaadiyay si looga gaaro horumar iyo barwaaqo isagoo hadalkaasi ku cel-celiyay.

Sidoo kale wuxuu ku faanay in Somaliland ay horumar iyo barwaaqo lagu majeerto(jamasho) ay gaartay halka Soomaaliya inteedii kale burbur iyo dagaallo weli ku sii socoto sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo sii hadlayey ayuu Cuqaasha iyo Salaadiinta Sanaag bari ee kulanka fadhiyay u sheegay in Somaliland ay ciidankeeda u geysay degmada Yubbe  si ay amni iyo xasilooni u gaarsiiyaan  bulshada halkaasi deggan isagoo ka dalbaday in ay si fiican u soo dhoweeyan ciidamada Somaliland ee qabsaday degmadaasi.

Mudane Biixi ayaa meesha ka saaray in ciidamada Somaliland ay beelo gaar ah duullan ku yihiin iyo in ay dagaal u socdaanba isagoo xusay cidna in aan awood iyo dagaal lagu maquunin Karin laakiin nabad iyo walaalnimo wax lagu gaari karo.

Mar uu ka hadlayay khilaafka dhuleed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in mar walba dhankooda ay ka go’antahay in ay Puntland nabad kula noolaadan balse ay doonayaan xadkii Ingiriisku siiyay in ay tegaan.

Wuxuu sii raaciyay in dalka Imaaraadka uu ku soo arkay hal aargo oo dhinacba immaarad gaar ah canshuurta ka qaadayso loona baahanyahay in sidaas oo kale Puntland iyo Somaliland noqdaan.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi: Sida Imaaraadka innaga iyo Puntland midba dhinac canshuurta haka qaado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this