Deeq A. Posted April 23, 2019 Wuxuu Muqdisho iyo gobalada dalka muddo 6 bilood ah uga dhigay nabad. Inta hoggaankiisq u aragtay halis baa ciidamo ajnabiga ayagoo adeegsanaya burburiyay nabadduu yagleeyay. 3 sannadood kaddib wuxuu noqday madaxweyne. Casharada laga bartay waxaa ugu horeeyay: 1- Waddaniyad: In uu Itoobiyaankii yiri ka baxa dalka, weliba asagoo cudud military u baahan, Shabaabna ay magaalada heystaan. 2-Dib-u-heshiisiin: In uusan marnaba ka aarsan dadkii burburiyay maxaakiimtii uu naf iyo maal geliyay, weliba dadkaasi qaarkood xilal wasiiro u dhiibay. 3- La Dagaallanka Dowlad Diidka: Halkii uu dadkii shalay ay hoggaanka isku hayeen, maxaakiimtiina ajnabi ku soo hoggaamiyay uu beegsan lahaa, wuxuu ka doorbiday inuu dagaal la galo koox shalay halgankii uu waday ku soo dhex dhuuntay, balse intuu maqnaa caddeystay in ay dariiqii ka weecdeen. Wuxuuna ka saaray magaalada Muqdisho iyo gobollo kale xilli ay dowladdaba ku meel gaar ahayd. 4- Wuxuu maareeyay musiibooyin ay abaaro ka mid yihiin, asagoo ahaa qofkii indhaha bulshada caalamka ku soo jeeediyay Soomaaliya, oo uu Turkiga ugu horeeyo. 5- Halka maamulada asaga ka dambeeyay ay dagaql culus u galeen ama ugu jiraan sidii xildhibaano ayaga taageersan ay doorashooyinka ugu soo bixi lahaayeen, ka bilow maamulkii Xasan Sheekh oo arrinaasi dadaal fara badan geliyay, iyo midka Farmaajo oo xasuuq ka geystay maamulada qaar, halka qaarka uu qarash badan ku bixiyay si xildhibaanp asaga taageersan uga soo baxaan 2021, Sheekh Shariif uma galin loollan sidii 135 oday ee wax xulayay ay xulaan rag isaga doorta. 6- Ugu dambeyn wuxuu dalka ka saaray ku meel gaarkii, wuxuuna aqbalay in doorashada looga guuleystay. Maanta wuu ka cilmi iyo khibrad badan yahay shalay, cumrina waa u kordhay. Maalmo badan ayaan la sheekeystay, ma aha qof guulihiisa kaaga sheekeeya, wuxuu aad u jecel yahay in uu ka hadlo xaalado si ka duwan siduu shalay u maareeyay si ka fiican loo maareyn lahaa. Ma aha qof jecel inuu xil u dhiibo dadka ka aqoon yar, dadaal yar, karti yar. Taasna waxaa marqaati in dad badan oo mucaarad iyo Villa Somalia hadda hormuud u ah, in uu asaga soo saaray. Soo dhoweeya saaxiibkay madaxweyne Sheeky Shariif Sheekh Axmed. Qof aan ciil ka korin, cidna ma hoggaamin karo! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites