Deeq A. Posted April 23, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si farshaxanimo ka muuqato u weeraray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka hadlaya muddo kordhin u sheegay in loo sameeynayo Madaxweyne Biixi. Prof Samatar, ayaa ku micneeyay Muddo kordhinta loo sameynayo Madaxweyne Biixi, inay sameystaan dad aan nidaam dhisi aqoon oo uu ku sheegay dad dibu-socoda oo saaqiday. Sidoo kale waxa uu Professorku ka hadlay Golaha Baarlamaanka Somaliland oo muddo xileedkoodii dhamaaday waqti hore, isagoo Arrimahaas ka hadlaya wuxuuna yiri: “Waxaan maqlayey qaar igu leh koley Muuse Biixi waxaa loogu dari 2-sanno, Dad habsaamey oo saaqiday, oo nidaam dhisi aqoon unbaa waxaa sameeya”. Wuxuuna intaas kusoo darey Prof Samatar “Intaan noola maan arag weligay iyo allahay, meelna kuma akhriyin Baarlamaan 9-sanno ay waqtigoogii dhaaftay, Baarlamaankan waxa la doortay 2005 waxayna aheyd inuu dhamaado 2010-kii, waxaana la marayaa 2019 waana 9-sanno, berri hore ayuu khaayisey”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites