Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Iyo Imaaraadka Oo Lagu Eedeeyay Inay Faro-gelinayaan Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Muwaadiniinta reer Suudaan ee Magaalada Khartuum ka sii wada Dibed-baxyada ay ku dalbanayaan in Milletarigu uu Xukunka ku wareejiyo Rayidka ayaa farriin u diray Dawladaha Khaliijka Carabta.

Suuudaan.jpg

Dibed-baxayaasha ayaa Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu baaqay in aanay deeq Lacageed ah siinin Suudaan isla-markaana ay haystaan Lacagtooda, Maalin ka dib markii Dawladaha Hodanka ku ah Saliidda ee Imaaraadka iyo Sucuudigu ku dhawaaqeen inay Suudaan ugu deeqayaan 3 Bilyan oo Dollar.

Dibed-baxayaasha Suudaan oo weli hor-fadhiya Xarunta Wasaaradda Difaaca ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay Lacag deeq ah siinayaan Suudaan, waxay ku bilaabeen inay ku heesaan oo ay yidhaahdaan “Ma Rabno Taageerada Sucuudiga..” ayay ku heeseen Dibed-baxayaasha reer Suudaan.

Dibed-baxayaashu waxay shaki ka muujiyeen in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay doonayaan inay Maamulaan Suudaan, iyagoo u soo maraya Taageerada Lacagta “Waxay u ololaynayaan Lacag, si ay iskugu dayaan inay Maamulaan Suudaan..” ayuu yidhi, Adil Gasem Alseed oo la hadlay Telefiishanka Al-jazeera oo Horn Cable ka soo xigtay, waxaanu intaa ku daray “Waanu haysanaa khayraad nagu filan. Dib baanu u dhisan karnaa Dalkayaga iyaga la’aantooda (Sucuudiga iyo Imaaraadka), sidaa darteed waxaanu leenahay, Waad Mahadsan tihiin, fadlan Lacagtiina haysta..”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this