Sign in to follow this  
Deeq A.

Maku saxan yihiin Maamulada inay la macaamilaan beesha caalamka mise waa dib u noqosho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulamada oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar ah ayaa waxay Madaxda Maamul goboleedyada kala hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa  xaqiijiyay  in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah.

In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada.

Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay.

Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in dawladda Soomaaliya ay haysato caqabodo badan oo ay kaw ka tahay midda Al Shabaab.

Isagoo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo Shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato faragelin shisheeye.

“Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi.

Maamul Goboleedyada maku saxan yihiin go’aankaas?

“Maamul goboleedyadu waxay rabaan in ay la kulmaan beesha caalamla, iyaguna wada shawraan, Soomaalida tusaan in iyaga iyo xukuumadda faderaal ah aysan isku fiicnayn,” ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacadeed oo aad ugu dhuun duleela arrimahan oo la hadlay Idaacadda BBC

Ibraahim Bursaliid  Wuxuu sii raaciyey “Maamul goboleedyada sida ay wax u rabaan in ay u helaan macnaheedu ma aha in sida ugu habboon ay tahay, iyagana waxaa ku fiicnaan lahaa hal jamhuuriyad, hal hannaan dawladnimo iyo hal dhaqan siyaasadeed oo Soomaalidu ay wada leedahay,”

Wuxuu kusii daray “Haddii ay noqoto in isbarbaryaac uu yimaaddo oo xukuumadda oo aan la marin calaaqaad toos ah lala furo waxay aflagaaddo ku tahay gobannimada iyo qarannimada.”

Maxaa laga rabaa Maamul Goboleedyada?

Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacadeed oo aad ugu dhuun duleela arrimahan ayaa BBC u sheegay inay waajib ku tahay Maamul Goboleedyada inay la fadhiistaan Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ibraahim ayaa Dowladda Dhexe ugu baaqay inay isku daydo in ay raadiso Maamul Goboleedyada isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo si walaaltinimo ah iyadoo xoogga la saarayo in la qanciyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Mar uu la hadlayey Maamul Goboleedyada ayuu ugu baaqay inay qirtaan in waxa ay sameenayaan ay tahay khalad istaraatiiji ah oo ay ka galayaan qaranka loona baahan yahay inay kasoo noqdaan habka ku dhisan isbarbaryaaca.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi taasoo haddii ay dhab tahay keeni karto khilaaf midkaan kasoo xoog badan oo dhexmaro Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this