Deeq A. Posted April 22, 2019 Xamar Jajab (SMN) – Cudurkan loo yaqaano Daacuun Caloolaha ayaa ka dilaacay xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Ruqiyo Nuur Cali oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Buulo Gaal Jecel ee degmadaasi ayaa Shabelle u xaqiijisay in uu cudurkan soo ritay illaa sadex caruur ah oo haatan la’il daran xanuunka Daacuun Caloolaha. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir ayey ka dalbatay in ay wax ka qabtaan Qashin ay sheegtay in uu dhex ceegaago xaafadaasi. Sidoo kale waxa ay Ruqiyo intaasi ku dartay in ay baqdin xoog leh ka qabaan in uu sii faafo cudurkani, madaama nadaafad darro baahsan ay ka jirto halkaasi. Inta badan marka la gaaro xilliyada kuleelaha ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka dilaaca cuduro uu ka mid yahay Shuban Biyoodka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites