Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo u ambabaxay dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee M/Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Xubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya socdaalkaasi.

Lama shaacin waxa uu salka ku hayo safarkan, balse Madaxweynaha ayaa la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi.

Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona dhinacyo dhowr ah ka taageerto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this