Deeq A. Posted April 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee M/Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Xubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya socdaalkaasi. Lama shaacin waxa uu salka ku hayo safarkan, balse Madaxweynaha ayaa la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona dhinacyo dhowr ah ka taageerto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites