Deeq A. Posted April 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Masar. Ilo ka tirsan waaxda Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Shabelle u xaqiijiyay safarka uu Madaxweynaha ku tagayo dalkaasi. Xubno ka mid ah golayaasha dowladda ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ku wehlinayaan socdaalkaasi. Lama shaacin u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Qaahira. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga sii horreeyay Masar, kaas oo kulamo la qaatay madax ka tirsan dalkaasi. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona ka taageerto dhinacyo dhowr ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites