Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo ku wajahan dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Masar.

Ilo ka tirsan waaxda Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Shabelle u xaqiijiyay safarka uu Madaxweynaha ku tagayo dalkaasi.

Xubno ka mid ah golayaasha dowladda ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ku wehlinayaan socdaalkaasi.

Lama shaacin u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Qaahira.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga sii horreeyay Masar, kaas oo kulamo la qaatay madax ka tirsan dalkaasi.

Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona ka taageerto dhinacyo dhowr ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this