Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada HirShabelle oo Dhaliilay madaxda maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare,ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ku dhaliilay in ay wax ka qaban la’yihiin dhibaatooyinka dhanka nolosha ah i o mid amni ee haatan ka taagan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow iyo Xildhibaan Tariik Ibraahim Axmed oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxda sare ee HirShabelle  aanu waxba u qaban dadka degan gobolladaasi, tan iyo markii loo doortay hoggaanka mamulkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ay indhaha ka laabteen dhibaatooyinka haatan ka jira guud ahaan dowlad goboleedka HirShabelle.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli xaalado daran oo dhinac nolosha ah ay ka taagan yihiin deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this