Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Oo Tababar U Soo Xiray Garsoorayaasha Heerarka Kala Duwan Ee Dalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga soo xeray garsoorayaasha heerka kala gedisan ee kubadda cagta, waxaana xeritaanka tababarkan kasoo qeyb galay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta.

58372574_2797712446912080_91874013808080

Tabarkan oo lagu baranayay isbadalada ku yimid shuruucda garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida iyo adeegsiga aalada lagu ogaado heerka tababarka garsoorka,waxaana maalimihii uu u socday  bixinay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Yabarow Wiish,Aweys Cabdullahi iyo macalimiinta xirirka ee kala ah Cabdi Cabdulle Baasaale iyo Macallin Maxamed Cabdulle Faraye.

57066198_2189225004662623_19454133265781

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadab Xaaji Yabarow Wiish isla markaana ka mid ahaa macallimiintii tababarka wax ka bixinaya ayaa sheegay in tababarkan ay ugu tala galeen in ay sare ugu qaadaan heerka aqoonta garsoorayaasha iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooga caalamka,isagoo sheegay in tababaro kala duwan loo qorsheeyay guud ahaan Garsoorka Soomaaliya.

57580361_2797712123578779_61801598853935

Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa garsoorayaasha kula dardaarmay in wixii la baray laga doonayo in laga arko tartamada kubbadda cagta gudaha iyo dibada ka xiriir ahaan ay ku da’daali doonaan kor u qaadida iyo homarinta Garsoorka Soomaaliya.

57568477_2797712080245450_28120643388047

Waaxda garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa dhawaan bilaaway isticmaalka iyo adeegsiga qalabka casriga ee loo yaqaano (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS) kaas oo lagu ogaanayo heerka tababarka garsoorayaasha waxaana qalabkan dhawaan laga her geliyay qaarada Afrika qaar ka mid ah garsoorka ayaa u mahad celiyay madaxda xiriika,iyagoo balan qaaday in ay kasoo bixidoonaan kaalintaada iyo wixii la baray.

MVI_3488.00_00_56_09.Still015-300x169.jp

Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa waaxad garsoorka kula dardaarmay in ay laba jiraan da’daalkooda ku aadan kor u qaadista aqoonta iyo homarinta si guulo waaweyn looga gaaro tartamada gudaha iyo dibada.

57426289_2797711993578792_48137336796018

Gab gabadii xeritaanka tababarka guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa goobta ka sheegay in madaxda xiriirka ay juhdi iyo waqti ku bixinayaan waxaada garsoorka maadaama ay laf dhabar u tahay shaqada ay hayaan,isagoo garsoorayaasha kula dar daarmay in wixii la baray ay ka sugayaan in ay ku dabaqaan tartamada gudaha iyo qaarada Afrika.

58442450_2797711953578796_82313591412353

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xeritaanka Tababarka Garsoorka Soomaaliya

W/D-W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this