Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi Xaqiiqo Raadin Ah Oo Ka Socda Golaha Guurtida Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Guddidii Golaha Guurtida Somaliland ee loo xil saaray Gobollada Bariga ayaa lagu soo dhaweeyey duleedka Magaalada Laascaanood.

guurtida-sl.jpgOLYMPUS DIGITAL CAMERA

Guddidan oo ka Kooban 13 Xildhibaan waxa Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Sool, Maayarka Laascaanood iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddidii Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada bariga Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir ayaa sheegay in Ujeeddadoodu tahay xog ogaal u noqoshada xaalada guud iyo abaaraha ka jira Gobolkaasi.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayarka Magaaladda Laascaanood, Agaasimaha Fullinta guddida qandaraasyada qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe oo dhamaantoodba ku soo dhaweeyay Xubnaha Guddidan xarunta Gobolka Sool.

Dhanka Kale Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wassaaradda Biyaha Somaliland oo Socdaal ku wajahan Xaalada abaaraha iyo Biyo la’aanta ka Jirta Gobolka Sool ayaa saaka u baxay koonfurta gobolka Sool gaar ahaan deegaanada Kala baydh,Dhumay,Daba taag iyo degmada dharkayn geeyo ee gobolka Sool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this