Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabageed “Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa ugu wacan dib u dhaca Hiiraan ee ma ahan Waare iyo Guudlaawe”

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa eedeyn u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle gaar ahaan xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beledweyne ayuu sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay mooshin la daba taagin yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada Hiiraan ku matala Baarlamaanka Hirshabeelle inaysan ka shaqeyn danaha shacabka gobolka Hiiraan, balse taasi badalkeeda ay ka shaqeeyaan inay mooshin ka keenaan hogaanka maamulka Hirshabeelle.

Arinta mooshinka ayuu sheegay inay ku saleeyaan in loo magacaabo xildhibaanada guddoomiyaha ay la doonayaan inuu hogaanka u qabto gobolka Hiiraan.

“Ma ahan dhibaatada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka ee waa Xildhibaanada oo mooshin la daba taagan, waxaa ay leeyihiin guddoomiye hebel bedel ama idinka ayaan mooshin idinka keeneynaa”ayuu yiri Dabageed.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada kaliya ay ku kooban tahay shacabka Hiiraan, maadaama sida uu sheegay shacabka Shabeelaha Dhexe inaysan la qaban dhibaatada.

“Dhibaatadaas Reer Hiiraan kaliya ayay gaar u tahay maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe kii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabey ayaa weli jooga ayuu yiri guddoomiye Dabageed”.ayuu hadalkiisa ku daray Dabageed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xildhibaanada ugu badan ka dhigay golaha wasiirada, waxaana meesha ka baxay isla xisaabtanka maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this