Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Siyaasiyiin & Xildhibaano mucaaradsan Dowladda Farmaajo oo shir uga furmay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi.

Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka uu xilligaan marayo,waxaana Xubnaha ugu caansan ee shirkaas ka dhex muuqday uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee  Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed.

Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka.

xisbiyos7-560x420-1.jpg xisbiyos6-560x420.jpg xisbiyos5-560x420.jpg xisbiyos4-560x420.jpg xisbiyos3-560x420.jpg xisbiyos2-560x420.jpg xisbiyos1-560x420.jpg xisbiyos-560x420.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this