Deeq A. Posted April 22, 2019 Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen xaafadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ciidanku howlgalkaan ku qabteen Boqolaal dhallinyaro ah, kuwaasi oo la isugu geeyey ugu dambeyn xarunta degmadaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa dhallinyarada ay soo qabteen u sheegay oo kaliya in amniga la sugayo, iyadoo aanay jirin cid si gaar ah ay ciidanka u wateen. Saacado badan ayeey ciidamada dhallinyaradan haysteen, taasi oo cabasho ay ka keeneen dhallinyarada qaarkood. Ciidanka dowladda ayaa mararka qaar howlgallo Boqolaal qof lagu qabto ka sameeya degmooyinka magaalada Muqdisho, xilli ammaanka magaaladana uu yahay mid aan la isku haley karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites