Deeq A. Posted April 22, 2019 Baladweyne (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle ee ka soo jeeda gobolkaasi ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan maamulkiisa. Dabageed ayaa ku nuux nuuxsaday in Xildhibaadaasi mar walba ay cadaadis ku saaraan Madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, sidii loo kala diri lahaa xubnaha gobolkaasi. Hadalkan ayuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka jeediyay munaasabad shalay lagu soo dhaweynayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Canab Axmed Ciise oo booqasho ku tagtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites