Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga oo howlgallo ka sameeyay Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay si gaar ah Ciidamadu uga fuliyeen xaafadaha Taleex, Xaajo Baasto iyo Siigaale ee degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Saraakiil ka tirsan kuwa amniga oo ka hadlay howlgalladan ayaa sheegay in jeedkoodu uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay ammaanka demooyinka gobolka Banaadir, si looga hortago weerarada ka dhaca Caasimadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this