Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, iyadoona la soo warinayo in uu ka bad baaday qofkii watay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka agdhawaan meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this