Deeq A. Posted April 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, iyadoona la soo warinayo in uu ka bad baaday qofkii watay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka agdhawaan meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites