Sign in to follow this  
Deeq A.

Majaajileyste Caan Ah Oo Ku Guulleystay Xil Madaxweynanimo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ukraine)-Majaajilesyta caan ka ah dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynanimada ee ka dhacday dalkaasi.

106540887_gettyimages-1138510415-1.jpg

Codadka doorashada wareegga labaad ee la tiriyey dadka codkooda dhiibtay 75% waxay codkooda siiyeen Mr Volodymyr Zelensky.

Wareegga koobaad ee doorashada waxaa cod bixinta doorashada madaxweynanimada ku hoggaaminayey Mr Volodymyr isaga oo hoggaanka u hayey 39 musharrax.

Mr Zelensky wuxuu loollan adag uu la galay madaxweynaha hadda haya xilka dalka Ukraine Petro Poroshenko.

Madaxweynaha Ukraine wuxuu awood u leeyahay iney hoos yimaaddaan ammaanka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda wixi la xidhiidha.

Mr Zelensky wuxuu taageerayaashiisa uu u sheegay ‘inuusan weligii illaawi doonin’.

Mr Zelensky wuxuu xilka madaxweynanimada marka loo dhaariyo uu hayn doonaa muddo shan sana ah.

Mr Poroshenko oo 2014-tii xilka madaxtinimada loo doortay wuxuu cod bixinta doorashada ee wareegga labaad oo kama dambeysta ahaa uu ka helay 25% oo keli ah.

Mr Petro oo ah nin maalqabeen ah waxaa xilka loo doortay marki ay meesha ka baxday dowladdii gacan saarka la lahayd Ruushka.

Mr Zelensky oo 41 jir ah oo siyaasadda khibrad badan u lahayn ayaa si lama filaan ah ku noqday madaxweynaha dalka Ukraine.

Isaga oo aan lahayn khibrad siyaasadeed haddana xilligi uu ku jiray ololahiisa doorashada wuxuu musharrxiinta kale uu kaga duwanaa barnaamijyada siyaasadeed oo uu soo bandhigayey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this