Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilmo laga xaday Soos oo dib loo helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa dib loo helay Ilmo yar oo Jimcihii la soo dhaafay laga xaday Isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho.

Baaritaano qaatay muddo labo cisho ah ayey ku suuragashay in la helo cunugaasi oo la sheegay lagu hayay degmada Hodan ee G/Banaadir.

Cabduqaadir Ibraahim Cali oo ah adeerka Wiilkaasi yar ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Ibraahim Tuulax ayaa ka hadlay dhacdadaasi.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in illaa 4 Qof oo ay ku jirto Haweeneydii soo xaday cunugaasi loo soo xiray kiiskan.

Halkan hoose ka dhageyso Codadka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/ilamaha-la-xaday-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this