Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle uga wada maqnaan karaan Jowhar ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle ay ka wada maqan yihiin magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ka maqan magaalada Jowhar, waana markii ugu horeysay oo dhamaantood laga waayo magaalada, iyadoo la filayay in baarlamaanka kulamo ku yeeshaan magaalada Jowhar.

Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa furan, waxaana xubnaha baarlamaanka iyo guddoonkooda ay ku wada sugan yihiin inta badan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo inta badan leh awooda Hirshabeelle ayaa golaha wasiirada ka wada dhigay xildhibaano si aan loola xisaabtamin.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa arintaasi ku eedeeyay masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle, maadaama waxba ka qaban baaqashada kulamada baarlamaanka.

Xildhibaan Ismaaciil Cirfiid ayaa shaaciyay in xeer Hoosaadka baarlamaanka Hirhabeelle uusan ogolaaneyn in dhamaan xubnaha guddoonka ay ka maqnaadaan caasimada maamulka, balse taasi ay hadda dhacday.

“Kulanka Golaha Baarlamanka Hirshabelle Baqashadiisa waxaa sabab u ah Xukumada. 3Gudoon ee Baarlamankana Waa ay kamaqanyihiin Caasimada. Xeer Hoosaadka Baarlamanka Maqorayo in Gudoonka Baarlamanka Ay ka maqnaadaan Caasimada.

“Qofkaste Sharciga ayaa ka Weyn Masuul kastena Gambarkiisa ayaa lagu fadhisindoona”ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil Cirfiid.

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa furan, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ka maqnaadaan magaalada Jowhar, iyadoo kulamada caadiga ah socdaan.

Ma jiro wax horumar ah oo madaxda talada haysa ay gaarsiiyeen deegaanada maamulka, waxaana Al Shabaab ay joojiyeen mashaariic ka socotay magaalada Jowhar, iyadoo taasi ka dhigan inaysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo madaxda maamulkaasi ay sameynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this