Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo soo jeediyey dalab aan laga fileyn oo la xiriira kooxda Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed kasoo gaarta weerarada Al Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in loo baahan in heshiis laga helo Al Shabaab si loo badbaadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin badan u geysatay Al Shabaab, islamarkaana dhankooda Al Shabaab ay dhibaato u geysteen Shacabka, taasina loo baahan yahay in laga gudbo.

Wuxuu su’aalo ka keenay ilaa waqtiga ay sii socon karaan dhibaatada dadka shacabka  loo geysanayo, maadaama labada dhinac ay dad Soomaaliyeed dhexdooda ku dhimanayaan.

“Al-shabaab waa in hishiis laga keenaa maxaa yeelay, iyaga wan laaynay, anagana wey na`laayeen, dad Soomaali unbaana dhimanaya, ilaa goormeen wadeyna isdilka, mucaaradkana shisheeye ayey nooga dacwoonayaan “ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu balan qaaday in muddo labo sano ah ku soo Afjari doono dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana labo sano kadib muuqataa in loo awood waayay Al Shabaab.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Xasan Sheikh Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa horey u sheegay inay wadahadal la fureen Al Shabaab, islamarkaana ducement ku saabsan wadahadalkaasi ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this