Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshaha Farmaajo iyo Kheyre oo lagu wareeray iyo wasiiro la canaantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali Jahwareer iyo faham waa ayaa ka taagan Tubaha Qaranka oo ay sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Afarta Tub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hey’adaha Dowladda ka abuurtay is bar bar yaac, doodo iyo sidoo kale in aysan xubno badan wali fahmin arintaan ayna dhaqaaqi la’dahay muddo dhowr bilood ah.

Mid kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha ku midaysan Tubta amniga iyo Cadaaladda ayaa Caasimada Online u sheegay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu Khamiistii canaan kala dul dhacay Wasiiro iyo Agaasimiyaal kuwaas oo kulan la qaatay Raysal Wasaaraha.

Xubnaha uu Raysal Wasaaraha ku xanaaqay ayaa la sheegay in ay fulin waayeen qodobo quseeyo amniga, qaarkood waxay ka cabanayeen is hortaag lagu sameeyay, qaarna waxaysan fahamsaneen shaqada loo diray sida uu noo sheegay Sarkaal aan la hadalnay.

“Waxaan ka xumahay in aan maalin walba idin sharaxo, idin fahamsiiyo shaqada aan ka rabo Tubtaan misane aadnan ku guulaysan in aad keentaan” ayuu ku yiri Raysal Wasaare Kheyrre xubnihii uu la kulmay sida uu noo sheegay Agaasime katirsan dadkaasi.

“Aniga halkaan uma imaanin inaa cashir bixiyo, kaligiinna maahan ee tubaha dhanba waxaa ii muuqata in aanan la fahmin, war sidee idinla dhaqmaaa” ayuu yiri Kheyrre oo la hadlay Wasiiro iyo xubno kale.

Xaqiiqda jirta ayaa in aysan socon shaqo marka laga reebo kulamo aan dhamaanin iyo isbar bar yaac joogto ah sida ay noo xaqiijiyeen Xubno badan.

Wasiiro badan iyo Agaasimiyaal ayaa is weydiiya Su’aashaan (Tubaha Kheyrre ma fahamtay) waxa uuna mid kasta kuu sheegayaa in aysan aheyn wax soconaya qorshahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this