Deeq A. Posted April 22, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamuud Macalim Koronto oo ahaa Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaday madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiin caan ah oo taageera hogaanka Villa Somalia. General Koronto ayaa Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ku tilmaamay rag aan lahayn taariikh wanaagsan ayna u hadli karin dadka ku nool magaalada Muqdisho. Sidoo kale qaar kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, ayuu ku tilmaamay in ay Fekarka Xagjirnimada ah ay ku shubeen dhalinyarada u dagaalanta Al-shabaab maantana ay la safanyihiin Dowladda Soomaaliya islamarkaana aysan cidna u wadin dacwo sax ah sida uu hadalka u dhigay. Hadaba dad badan ayaa is weydiinaya maxaa ka dhaxeeya Dowladda iyo General Koronto ? Maxamuud Macalim Koronto waxaa uu Ciidanka Soomaaliya katirsanaa waqti aad u fow waxayna dowladii dhexe ay bur burtay isagoo ah Gaashaanle Sare ah waxa uuna kadib kamid noqday u qaxday dalka Maraykanka. Muddo dheer kadib ayuu dalka ku soo laabtay Koronto waxa uuna qabtay xilal kala duwan oo dhanka Ciidanka ah. Markii ugu dambeysay waxa uu ahaa Taliyaha qaybta 27aad ee Xoogga dalka waxaana xilkaas laga qaaday muddo bilooyin ah iyadoo ay dhalisay dood badan. Koronto waxaa khilaaf adag kala dhaxeeyay maamulka HirShabelle, taas oo sababtay in dhowr ay jeer ay murmeen waxaana markii dambe khilaafkooda gaaray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda u qoray Warqad ka timid HirShabeelle oo muujineysa in aysan la shaqayn karin Gen Koronto, waxa uuna cadeeyay codsigooda ah in laga badalo Koronto iyadoo ay aqbashay Dowladda Soomaaliya waxaana lagu badalay Generaal Tareedisho. Koronto ayaa markaas kadib isku beddelay mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda dowladda. General Koronto oo heesta Baasaboor Ameerikaan ah ayaa sidaan oo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu talada dalka haayay taas oo markii dambe sababtay in lagu heshiisiiyo Madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites