Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Muuse Biixi oo Amar Culus & Xayiraad dul-dhigtay laba Professor oo caan ka ah Dalalka lagaga hadlo Af-somaliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada Muuse Biixi oo Xayiraad dul-dhigtay laba Professor oo caan ka ah Dalalka lagaga hadlo Af-somaliga

prof-2.jpg

Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland.

Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi.

Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay.

Sida ay warbaahinta u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi.

Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan.

Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this