Sign in to follow this  
Deeq A.

Canugii laga xaday Isbitaal SOS oo la helay iyo dad lagu tuhmayo oo la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid ku cusub shacabka magaalada Muqdisho, kadib markii isbitaalka laga xaday canug yar oo saacado uun dhalanaa.

Iyadoo muddo ku dhaw 48 Saacadood la weysanaa canuga yar ee isbitaalka laga xaday ayaa hadda waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan in la helay canuga yar iyo dadkii la tuhmayay inay qaateen.

Maamulka degmada Heliwaa iyo ehelka canuga yar ayaa saxaafadda u sheegay in la helay canuga yar oo la weysanaa saacado badan, waxaana xabsiga la dhigay dadka lagu tuhmay inay canuga isbitaalka kala baxeen.

Xarunta dambi baarista ee CID ayaa la geeyay dhowr ruux oo falkaan lala xiriirinayo, sida masuuliyiinta maamulka Degmada Heliwaa ay sheegeen, waxaana socda baaritaanka ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Masuuliyiinta maamulka degmada ayaa sheegay in canuga yar ee la xaday maalmo ka hor uu caafimaad qabo, islamarkaana lagu wareejiyay qoyska lahaa, oo ku sugan isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.

Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka SOS ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirtay, kadib markii ay si weyn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday.

Ehelka canuga yar ayaa dowladda Soomaaliya horey kaga codsaday inay arintaasi wax ka qabtaan, waxaana saacadihii ugu dambeeyay socday baaritaanka iyo baadi goobka canuga yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this