Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda M/Goboleedyada oo kulamo ka wada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fulgencio Garido-Ruiz, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Galmudug, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi.

Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Nairobi ayaa shirar is daba joog ah ka wada magaaladaasi, waxaana galinkii dambe ee shalay uu la kulmay safiirka Uk u qaalbilsan Soomaaliya.

Dhinac kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah dalka Kenya kula yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii ay taageero joogta ah maamulladaasi uga heli lahayeen hay’adaha iyo dalalka deeq bixiyeyaasha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this