Deeq A. Posted April 21, 2019 Nairobi (SMN) – Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fulgencio Garido-Ruiz, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Galmudug, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi. Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Nairobi ayaa shirar is daba joog ah ka wada magaaladaasi, waxaana galinkii dambe ee shalay uu la kulmay safiirka Uk u qaalbilsan Soomaaliya. Dhinac kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah dalka Kenya kula yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii ay taageero joogta ah maamulladaasi uga heli lahayeen hay’adaha iyo dalalka deeq bixiyeyaasha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites