Deeq A. Posted April 21, 2019 Muqdisho (SMN) – Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jireen dhibaatooyin ka dhex oognaa dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta iyo Ciidamada ammaanka ayaa Shabelle oo u kuurgaleysa arrimahaasi waxaa ay Wariyeyaasheedu socdaallo kala duwan ku bixiyeen isgoysyada magaalada Muqdisho. Waxyaabaha aan isku taxalujinay in aan ogaano waxay aheyd sababaha inta badan loo dilo ama loo waxyeeleeyo wadayaasha Bajaajta. Aweys Macalin isaga oo dhex fadhiya Mootadiisa ayuu Shebelle u sheegay in ay la kulmaan tacadiyo uga imaanaya Askarta, laftigiisu wuxuu qirsan yahay dhibaatadaasi qeyb ka mid ah in masuuliyadeeda ay leeyihiin iyagu. Dhankiisa Jaamac Axmed oo kaxeeya gaadiida dadweynaha ee Hoomeyda wuxuu qaladka saarayaa Bajaajleyda, wuxuu ku eedeeyay in ay aysan aqoon shuruucda waddooyinka. Dadweynaha isticmaala Mootadan waxa ay aaminsan yihiin in waqti fudud ay ku tagaan halka ay doonayaan. Axmed Cabdiraxmaan wuxuu xilliga aan la kulmay ka soo dagay Mooto Bajaaj. Aqoonyahan Maxamed C/raxmaan Khaliif oo Jaamacad ku taalla Kenya ka diyaariyay cilmiga bulshada talo ahaan wuxuu soo jeedinayaa in la helo sharci qoran oo kala hagaya Askarta iyo dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta. Dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootadan saddexda lugood leh ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aysan jirin eedeysanayaal loo soo qabtay ficiladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/wwwwwwwwwwwww.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites