Deeq A. Posted April 21, 2019 Baladweyne (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise oo maanta Warbaahinta kula hadashay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aya qeylo dhaan ka muujisay xaalado bani’aadanimo oo ka taagan deegaanada maamulkaasi. Canab Axmed Ciise ayaa tilmaamtay in haatan xaaladaha ugu daran ay ka taagan yihiin deegaano kala kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. Sidoo kale waxa ay dowladda Soomaliya iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqday ay gurmad la soo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaanadaasi. Deegaano iyop degmooyin dhaca gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka jira xaalado daran oo dhanka nolosha ah oo ay ugu horreyso Biyo laa’aan ka taagan gobolladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites