Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo baaq u dirtay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise oo maanta Warbaahinta kula hadashay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aya qeylo dhaan ka muujisay xaalado bani’aadanimo oo ka taagan deegaanada maamulkaasi.

Canab Axmed Ciise ayaa tilmaamtay in haatan xaaladaha ugu daran ay ka taagan yihiin deegaano kala kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

Sidoo kale waxa ay dowladda Soomaliya iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqday ay gurmad la soo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.

Deegaano iyop degmooyin dhaca gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka jira xaalado daran oo dhanka nolosha ah oo ay ugu horreyso Biyo laa’aan ka taagan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this